Kulanka ayaa ah mid Warbaahinta aan loo ogeleyn,waxaana la sheegay in Diiradda lagu saarayo Ammaanka Dalka iyo sidii wax looga qaban lahaa.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in ay Dagaal la gelin doonto Al-shabaab islamarkaana Dalka laga saari doono si looga Jawaabo Weerarkii Musiibada ahaa ee lagu laayay Dadkii 14-kii October lagu Xasuuqay Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho.
Dhanka kale Warar aan helnay ayaa sheegaya in Galabta la soo gaba gabeyn doono Shirka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo kuwa Maamul Gobolleedyada ee Maalmahaan ka socday Madaxtooyada Soomaaliya.
Leave a Reply