Waxaa saakay degan Xaaladda Magaalada Boosaaso xarunta Ganacsiga ee Puntland kadib Banaanbaxyo xoog leh oo ka dhacay saacqdihii la soo dhaafay.
Wararka aan ka heleyno Magaalada ayaa soo sheegayo in ay muuqato xaalad daganaan ah oo ka jirta xaafadaha iyo Suuqyada magaalada Boosaaso inkastoo ay wali taagan tahay murankii Banaanbaxa Sababay.
Wasiirka Dekadaha iyo amaanka Badda ee Puntland oo warbaahinta la hadlay ayaa ku baaqay in banaanbaxyada la joojiyo waxa uuna sheegay in aysan jirin Cabashada ay qabaan Shacabka balse ay tahay arin ay soo abaabuleyn kooxo mucaarad ah.
Tan iyo markii Dekedda Magaalada Boosaaso lagu wareejiyay Shirkad laga leeyahay Imaaraadka ayaa waxaa taagnaa Banaanbaxyo iyo hadalo ka soo baxayay waxgaradka Gobalka oo looga cabanayay Sicir barar magaalada ka dhashay
Leave a Reply