70 Arday oo deeq waxbarasho ka helay dalka Masar oo maanta ka dhoofaya Muqdisho

Illaa 70 Arday oo deeq waxbarasho ka helay dalka Masar ayaa maanta lagu wadaa inay ka dhoofaan magaalada Muqdisho, iyadoo Madaxtooyada Soomaaliya ay fududeyneyso safarka ardaydan.

Ardaydan oo laga soo kala xulay gobolada dalka ayaa la filayaa in diyaarad qaas ah oo ay kireysay Madaxtooyada ka qaado diyaaradaha Muqdisho, waxaana ay toos uga degi doontaa magaalada Qaahira.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Ardaydan ay viisaha ama dal ku galka ay ka qaadan doonaan garoonka Qaahira.

Mas’uul ka tirsan Madaxtooyada ayaa sheegay in deeqda waxbarasho ee ay Ardaydan ka heleen Masar ay qeyb ka aheyd waxyaabihii ay ku heshiiyeen Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Masar, booqashadii Madaxweyne Farmaajo bishii August ku tagay dalka Masar.

Masar ayaa ka mid aheyd dalalka deeqaha waxbarasho siinayay Soomaaliya, hase ahaatee 10-kii sano u dambeeyay deeqahaas ayaa noqday kuwo ganacsi oo Ardayda Soomaalida laga iibsado.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.