Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee ka howlgala Isgoysyada Magaalada Muqdisho ayaa laga dareemayaa in Isbadal muuqda lagu sameeyay waxaana sidoo kale Isbadal lagu Sameeyay qaabka Shaqooyinka dhinaca Amniga ay qabtaan.
Isbadala ayaa laga dareemayaa Baaritaanka Gaadiidka iyo dadka sidoo kale Tirada Ciidanka ayaa meelaha qaar lagu sameeyay Kordhin Goobo aysan Ciidanka ku sugnaan jirin ayaa sidoo kale lagu arkayaa Fariismo Cusub.
Ciidamada ayaa Baarayaa Gaadiidka Shacabka oo aan markii hore la baari jirin sidoo kale Gaadiidka aan wadan Sharciyada Gaadiidka ee wada marista iyo lahaanshiyaha iyo kuwa aan bixin Canshuurta ayaa loo diidayaa Wadooyinka.
Dumarka Saaran Gaadiidka ayaa laga furayaa Niqaabka/ Indha-shareerka markii ay soo gaaraan Goobaha Gaadiidka lagu baarayo.
Dhalinyaro badan ayaa saakay laga qab qabtay Wadooyinka magaalada Muqdisho qaarkoodna waxaa lagala dagay Gaadiidkii ay saarnaayeen.
Sidoo kale Waxaa laga joojiyay Shaqada Maalintii ah Gaadiidka Waa-weyn oo ay Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ku Nool Muqdisho ay Xaalad Cabsi ah ka qaadeyn tan iyo Musiibada ka dhacday Zoobe 14-Oct. ee Sanadkaan.
Wadooyinka laga dareemayo Isbadalkaan ayaa waxaa ka mid ah Makka Al-Mukarama buundooyinka iyo Wadooyin kale oo ka baxa KM4 oo aada Xaafadaha Madiino iyo meelo kale.
Leave a Reply