Madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleed-yada oo heshiis ka gaaray qodobadii la isku mari waayay iyo shirka oo war-murtiyeed laga soo saray

Madaxda ayaa xalay shirar gaar gaar ah lahaa, waxaana laga hadlayay qodobada qaar oo ahaa kuwo la isku mari la’aa, ilo wareedyo ku dhow dhow Madaxda dowlad goboleedyada ayaa sheegaya inay waxoogaa isu soo dhowaansho ah, balse aan wali la ogeyn wax lagu heshiiyay.Shirkaan oo lagu waday in horay loo soo gaba gabeeyo ayaa waxaa dib u dhac ku keenay khilaaf iyo is mari waa soo kala dhexgalay dhinacyada uu shirka ka dhaxeeyay waxaana la isku qabtay qodobbada qaar .

Ilaa iyo xalay waxaa socday kulamo gooni gooni ah waxaana inta badan la isku afgartay qodobadii horay la isugu qabtay waxaana taasi ay fududeyneysaa in shirka maanta lasoo gaba gabeeyo haddii alle uu ka raali noqdo

madaxtooyada villa soomalia ayaa waxa ay sheegayan in maanta lasoo gaba gabeyn doono shirkii u dhaxeeyay madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.