Wasiirka Warfaafinta Soomaaliland Cadaani ayaa soo saaray Wareegto uu deegaanada Soomaaliland kaga Mamnuucayo Telefishinka Kalsan waxaana la xiray Xarunta TV-ga ee Magaalada Hargeysa.
Wasiirka ayaa sheegay in Telefishinka uu warar been ah ka sameeyay isku soo baxyo Shalay lagu taageerayay Murashaxa Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi.
Wasiirka warfaafinta Somaliland Cadaani ayaa ka tirsan xisibiga Kulmiye waxaana loo malaynayaa inuusan ogalayn Murashaxa Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi wax laga sheego ku lid ah doorashadaiisa.
Leave a Reply