Shirka Madaxda Qaranka iyo Kuwa Maamul Gobaleedyada oo la filayo in maanta la soo Gaba-gabeeyo.

madasha

Shirka Madaxda dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada ayaa lagu wadaa in maanta oo Sabti ah la soo gabagabeeyo, iyadoo qorshuhu yahay in laga soo saaro war murtiyeed.

Madaxda ayaa xalay shirar gaar gaar ah lahaa, waxaana laga hadlayay qodobada qaar oo ahaa kuwo la isku mari la’aa, ilo wareedyo ku dhow dhow Madaxda dowlad goboleedyada ayaa sheegaya inay waxoogaa isu soo dhowaansho ah, balse aan wali la ogeyn wax lagu heshiiyay.

Labadii maalmood ee la soo dhaafay ayaa Madaxda ay isku hayeen qodobada qaar oo ka doodistooda ay aheyd mid aad u adag, waxaana taas ay keentay in shirka uu waqti dheer qaato.

Madaxda qaar ayaa dalbanaya in dhaqse shirka la soo gaba gabeeyo, maadaama deegaanadooda ay howlo uga xayiran yihiin, qaarkoodna ay heystaan cadaadisyo siyaasadeed, si ay ugu baxaan una soo xaliyaan.

Qodobada la isku hayay ayaa ka mid ahaa arrimaha siyaasadda ee khilaafka salka u ah, qeybsiga kheyraadka, arrimaha dib u eegista dastuurka, amniga, iyo kuwa kale.

Wararka ayaa sheegaya in inta aan la isku raacin war murtiyeedka la soo saarayo ay ka horeyso in la xaliyo mushkiladaha ka jira maamul goboleedyada oo qaarkood hesta culeysyo siyaasadeed sida Galmudug iyo Koofur Galbeed.

Madaxda maamul goboleedyada qaar ayaa dalbanaya damaanad qaad buuxa oo ah in Xukuumadda ay faraha kala baxdo faragelinta ay ku heyso, isla markaana la joojiyo abaabulada siyaasadeed ee ka dhanka ah Madaxweynayaasha qaar.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.