Wararka naga soo gaarayo Magaalada Laascaanood ee gobalka Sool ayaa soo sheegayo in gobalka Sool uu ka dhacay Banaanbax looga soo horjeedo doorashada ka dhacaysa Soomaaliland oo saameysay Gobalkaasi Sool.
Dadka isu soo baxay ayaa ku doodayay in Degaankooda aysan ka dhici karin doorashada madaxtnimada Somaliland,waxaana ay ku baaqeen in Somaliland ka laabtao hurinta colaad degaankaas ka dhacda oo dhexmarta Mamaullada Puntland iyo Somaliland.
Dadkan oo watay Calanka Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqayay ereyo ka dhan ah Somaliland,waxaana ay xuseen in aysan marna codbixinta doorashada Soomaaliland ka dhaceyn deegaannadooda.
Gobalada Sool iyo Snaag ayaa waxaa ka taagan xiisad u dhaxeysa Soomaaliland iyo Puntland taas oo ka dhalatay kadib markii Soomaaliland ay sanaadiiqda Codbixinta geysay meelo ka mid ah Gobalada Sool iyo Sanaag
Leave a Reply