Midoowga Afrika ayaa markii ugu horeysay ku dhawaaqay in ay bilaabayaan in ciidammada nabad illaalinta AMISOM ay ka baxayaan Soomaaliya sanadkan dhammaadkiisa.
Tirada askarta baxaysa sanadka waa kun askari, waana tiro aad u yar marka laga qiyaas qaato tirada guud ee AMISOM ee Soomaaliya ku sugan oo gaaraysa 22 kun oo askari.
Balse waxa ay ahayd war lama filaan ah oo dhegaha Soomaalida ku cusub 10kii sano ee lasoo dhaafay ee AMISOM ay ku sugnayd gudaha Soomaaliya , xiligaas oo ciidamo lasoo kordhiyo mooyee, wax dhimis aysan jirin.
Ciidammada nabad ilaalinta ee Midowga Afrika (AMISOM) waxa ay markii ugu horaysay dalka yimaadeen bishii Maarso, sanadkii 2007-dii, xiligaas oo uu Soomaaliya madaxweyne ka ahaa Cabdullaahi Yuusuf Axmed, waxayna suurtagaliyeen in markii ugu horaysay oo madaxweynaha iyo dowladda Soomaaliya ayka howlgalaan caasimadda.
Inkasta oo afar degmo oo kaliya xiligaas ay dowladda ka shaqaynaysay, 12-ka kalee degmo ee caasimadda iyo 10 gobol oo dalka ka mid ahba waxaa haystay xoogagga dowladda kasoo horjeeda.
10 sano kadib maanta nidaamka dowliga ah ee Soomaaliya heer federaal iyo mid maamul goboleedba waxa uu ku baahay dalka oo dhan, waxaana gacanta lagu hayaa inta badan magaalooyinka waaweyn ee dalka. AMISOM ayaa gacan ka qeysatay in qeybo ka mid ah dalka la gaaro.
Balse marka la eego mudada ay ku qaadatay iyo qarashka ku baxay, iyo hawsha tirada badan ee hadda dhiman, waxaa muuqata in arrinta aysan ahayn ‘guul iyo gunaanad’.
“Rajadii laga lahaa AMISOM ma la gaaray”
Cabdinuur Daahir oo ka faallooda arrimaha Soomaaliya, kuna sugan dalka Turkiga oo u waramay BBC-da ayaa sidan qaba: “Wixii laga sugaayay, iyo rajadii laga lahaa ma aysan keenin, boqolkiiba 40% ayay hawshii loo keenay qabteen, boqolkiiba 60% kuma aysan guulaysanin, sababtoo ah shaqada ay qabanayeen waxaan isleeyahay ma ahayn shaqo ay daacad ka ahayd, shaqo waxay ahayd meesha mushaar ay usoo doonteen”.
Alshabaab waxa ay hadda si buuxda u haysataa gobolka Jubbada Dhexe, degmooyin ka tirsan Jubbada Hoose, deegaano ka mid ah gobolada Gedo, Bay, Bakool, Shabeelaha Hoose, Shabeelaha Dhexe, Hiiraan iyo xitaa gobolada Dhexe, waxayna markasta weeraro qasaaro badan ka dhasho ka geysataa caasimadda iyo meelo kale oo dalka ka mid ah
Waxay sidoo kale geysteen weerarro qasaaro baaxad leh u geystay ciidammada AMISOM oo ay ku qaadeen saldhigyadooda Soomaaliya.
AMISOM waxaa soo gaaray qasaare nafeed oo aad u badan mudadaas, waxaana ugu darnaa weeraro ka dhacay Dayniile oo Muqdisho ah iyo deegaanka Ceel Cadde ee gobolka Gedo halkaas oo tiro badan oo askar nabad illaalin ah lagu dilay mar kaliya.
Iyada oo ay sidaas tahay, wali waxa ay dad badan ku doodayaan in ay wali taagantahay baahidii markii horeba ay dalka u yimaadeen.
Xilliga lagu dhawaaqay bixitaankoodana wuxuu ku soo beegamayaa mar loo diyaargaroobayao duulaan ka dhan ah Alshabaab, “gacansiintoodana aad loogu baahan yahay”.
Dareenka Dowladda Federaalka
Hase yeeshee waxa ay u egtahay in dowladda federaalka aysan walwal badan ka qabin bixitaanka AMISOM ee biloowday sida uu sheegayo wasiirka warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan oo BBC-da u waramay
“Soomaaliya waxay isku duba riday hab nabadgelyo oo wanaagsan, waxaanan aaminsanahay in ciidammadeena ay heleen tababar ku filan, xiligan waa markii loo baahnaa in aan anaga dhabarka u ridano mas’uuliyadda amniga”, ayuu yiri Yariisow.
Falanqeeye Cabdinuur Daahir ayaa dhankiisa isna qaba in bixitaanka AMISOM ay faa’iido tahay “10kii sano ee ay dalka joogeen ciidammada AMISOM, madaxda dalka waxa ay iska dhaadhiciyeen iyaga ayaa Alshabaab idinka difaaci doona, balse maadaamaa ay hadda baxayaan taas micnaheedu waxa ay tahay in ay Soomaalida isku tashato”.
AMISOM lafteeda ayaa qirsan baahida hayso ciidammada Soomaaliyeed sida uu shalay shir jaraa’id ka sheegay Francisco Madeira oo ah ergayga Midoowga Afrika ee Soomaaliya.
“Waxaan baahi degdeg ah loo qabaa in la hubeeyo, la qalabeeyo, islamarkaasna mushaaraadkooda la siiyo ciidammada Soomaaliyeed, waxaa kale loo baahanyahay adeeg caafimaad oo ku filan iyo waliba abuurista kaabayaashii militariga sida xerooyin ay wax kasta u dhamaystiranyihiin”, ayuu yiri Madeira
Farmaajo muxuu hayay xilligii AMISOM ay shaacineysay bixitaankooda?
AMISOM Markii ay ku dhawaaqaysay bixitaanka, madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo dareeska ciidammada xiran ayaa tagay wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya, halkaas oo uu kula hadlay askarta, una sheegay in ay isu diyaariyaan hawlgal militari oo ka dhan Alshabaab.
“Waxaan aaminasanahay in aan ka guuleysanayno Shabaab, khibradeedii waad leedihiin, waddaniyadeedii waad leedihiin, dowlad wanaagsan oo diyaar idiin ahna waad heysataan, anaga ayaana koow ka ah, shacab baraarugsanna waad heysataan, wax noo haray ma jiraan, dagaalkii waa socdaa, fadhi ma yaalo,” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.
“Maskaxdii iyo aqoontii uu shacabka sugayay waa idinka, cid kale oo Soomaalida u maqan ma jirto oo aanan idinka ahayn”, ayuu hadalkiisa ku daray Madaxweynaha oo la hadlayay saraakiisha militariga oo isugu yimid goob ku taala wasaaradda Gaashaandhigga.
Madaxweynaha ayaa hadaladan ku celceliyay marar badan tan iyo intii xilka loo doortay bishii Feberaayo ee sanadkan, wuxuuna marar badan muujiyay sida ay uga go’antahay in ammaanka dalka uu dowladda si buuxda gacanta ugu galo.
Kalsoonidaas uu madaxweynaha muujinayo marka laga soo tago, caqabadaha ma ahan kuwa yar, wuxuuna hadda dalka ku jiraa xilli uusan lahayn wasiir gaashaandhig, iyo taliye nabad suggid, kuwaas oo xilka uga tagay xaalado mugdi ah.
AMISOM waxa ay qeyb ka tahay hawlgalka hadda la qorshaynayo in lagu qaado Alshabaab, balse waxaa biloowday in ay si tartiib ah dalka uga baxaan dalka, waxaana laga wardhawri doonaa sida dowladda u hanato amniga dalka ka dib markii ciidamada nabad ilaalinta ay wada huleelaan illaa 2020-ka.
Xigasho BBC
Leave a Reply