Faa’iso C/rashiid Cabdi oo ah Gabar ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka islamarkaana hadda iyadoo Xanuunsan ku jirta Isbitaal ku yaalla Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya ayaa Maanta Deeq Lacageed oo dhan Shan Kun oo Dollar gaarsiisay 16 Qoys oo Ehelkoodii ku waayay Qaraxii Musiibada ahaa ee 14-kii October ka dhacay Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho,Qaraxaas oo ay ku dhinteen Shacab dhan 400 oo Qof in kabadana ay ku dhaawacmeen.
Faa’iso C/rashiid ayaa Lacagta ka soo aruurisay Dad Soomaaliyeed oo Muxsiniin ah,waxaana ay u soo Wakiilatay Wariye C/shakuur Xuseen Maxamed oo ka tirsan TV-ga Horn Cable Xaruntiisa Magaalada Muqdisho.
Suxuufiga ay soo Wakiilatay Faa’iso C/rashiid Cabdi oo ah Sargaal ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka ayaa Dadka Dhibaneyaasha ah ee Deeqda loo qeybiyay,waxey Lacagta u heleen Calaa Qof 300$ (Saddex Boqol oo Dollar} sida uu Warbaahinta u sheegay C/shakuur Xuseen Maxamed.
Faa’iso C/rashiid oo hadda ku jirta Isbitaal ku yaalla Magaalada Nairobi ayaa ku dhiban halkaasi,waxaana Faa’iso qaaday Dowladda Federaalka Soomaaliya si dalka dibaddiisa loogu daaweeyo,balse weli waxaa ay ku dhiban tahay Dalka Kenya,iyadoo ay Xusid mudan tahay in Faa’iso oo u baahan in la garab Istaago ay iyadu dhexda u xiratay in ay Gargaarto Shacabkii Soomaaliyeed ee lagu Xasuuqay Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho.
Leave a Reply