Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre iyo Wafdi uu Hogaaminayo ayaa lagu wadaa Maanta in ay tagaan Magaalada Baydhabo Ee Xarunta KMG Dowlad Gobolleedka Koofur Galbeed Soomaaliya.
Qaban qaabada soo dhaweynta Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa hadda ka socota Magaalada Baydhabo,waxaana aad loo adkeeyay Ammaanka Magaalada iyo Wadooyinka soo gala.
Xasan Cali Kheyrre Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Soomaaliya ayaa Shalay Safar ku tagay Magaalada Baraawe ee Xarunta Maamulka Koofur Galbeed,waxaana uu halkaas ka soo dhagax dhigay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Baraawe.
Safarka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu ku tagayo Magaalada Baydhabo ayaa lagu sheegay inuu ka qeyb galayo Munaasabad loogu dabaal dagayo markii la doortay Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan
Leave a Reply