Maaha markii ugu horeysay ee aan idiin soo gudbiyo xaalada murugsan ee dalkeena oo aan wajiyo kala duwan idinka hogatusaaleeyey.Toosh baan markasta idinku daaraayey khatarta federaalka Soomaaliya oo qabyaalada inta indhahii iyo dhegahii na tirtay na gaarsiisay in qalbiyadeena na madoobeeyso,ilaa aan kala garanweyno saaxiib kayaga iyo cadaw gayaga iyo sokeeye iyo shisheeye.
Hadlka yaana badin ee cajalada aan dib u celiyo barisamaadkii ,markii dal iyo dad barwaaqeysan cadawga soo jireenka ah ee Soomaaliya uu dalkiisa ka abaabulay Jabhadihii SSDF,SNM,USC,SPM iyo RRA oo aakhirkii timid(HADDAAN KOOYEY),ugu denbayntiina cadawgu ku gaaray yoolkiisii ee ahaa dawladii Afrika ugu sareeysay ama ku xigtay ee Soomaaliya in uu jilbaha dhulka u dhigo 1991kii,islamarkaasna sheeda inna ka daawado sanada badan oo dhiigeenu isku baxaayey,waxaa xusuus mudan jabhad lixaad ee ahayd SNF ee ka dhalatay gudaha dalka ujeedadeeduna ahayd dabinka cadawga in laga baxo oo layska badbaadiyo,ugu danbayn jabhadaha aan kor ku soo sheegay waxay la wada dirireen SNF guulse waa ka gaariwaayeen,waxaana khasab noqotay cadawgii shanta jabhadood ee afkaartooda ku hubeysnaa ka denbeeyey in uu isu qaawiyey in meesha ka saaro SNF. Islamarkaasna noo dhiso dawlado uu asagu dhisay cid kalana kala tashan, rabitaanka shacbiga Soomaaliyeedna ku imaan kuwaas oo aan wada garaneyno qaabkii lagu sameeyey indheheena oo shan ah,sida JubaLand,K/Galbeed ,Galmud iyo Hirshabeele ,asaga oo horay u sameeyey Soomaaliland iyo puntiland safiiro u joogaan ilaa hadda ,talada iyo siyaasadana ayyagu hoggaamiyaan.
Dhanka kale markaan wax idin ka tuso jabhadaha cadawgu dhisay ee dalka u qaybiyey ileyn dawlad goboleedyadu magaca u yaale,waxaa jira maamul goboleed buuxiyey shuruudaha naloo shheegay ee ku qoran dasuur ku sheega waa KHAATUMO!,waxay ku samaysantay gudaha dalka dad Soomaaliyeed baana sameeyey,waxay la mid tahay SNFtii laga dhexsaaray jabhadaha ee fikirka wadanigaa aaminsaneyd ,ayyadana in la aqoonsado isla cadawga dalkaan Soomaaliya baa hortaagan,waayo waxay fure u tahay midnimada Soomaaliya haddii ay hirgashana waxaa laga yaabaa in maamuladu noqdaan kuwo Soomaaliyeed oo xalaal ah.
Isku soo wada duub afartan sano dagaal nagu socday oo nala kaga adkaaday baa halkaas na dhigay,waxaa ka daran indhaha waa nala ka xiray,dhigaha furbaa nooga jira,qalbigana khad madoow baa nala ka mariyey,suntan kiimikada ah ee naloo adeegsaday waa qabyalad ee aan qaadano daawadeeda oo raqiis ah lacagna nooga baxayn ee ah qabyalad iyo kala qobqob diidnay.
W/Q Cabdullaahi Jimcaale faarax.
Leave a Reply