Xaaf “Waan xoreyneynaa degaanada Shabaab ay ka joogaan Galmudug”

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Ducalle Xaaf, ayaa maanta kulan la qaatay qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka ka soo jeeda Galmudug.

Madaxweyne Xaaf ayaa Odayaasha dhaqanka kala hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin Xoreynta degaanada ururka Al-shabaab ay ka joogaan degaanada Galmudug.

Madaxweynaha ayaa sheegay in maamulka Galmudug ay ka go’an tahay in xor ay noqdaan degaanada hadda gacanta ugu jiraan Al-shabaab, waxaana bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay inay qeyb ka noqdaan dagaalka ka dhanka ah Shabaab.

Al-shabaab ayaa hadda ku sugan degaano ay ka mid yihiin inta u dhaxeysa Galcad, Xarar-dheer iyo Ceel-dheer oo ka wada ka tirsan Galgaduud iyo Mudug ee bartamaha Soomaaliya

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.