Waxbadan ka baro Taliyaha Nabad sugidda Jubbaland W/Q Cabdalla Subeer

khaalid

Taliyaha nabadsugida jubaland khaalid sheekh cabdulaahi Waxuu ahaan jiray ragii u horeeyay ee magaalada muqdisho kabilaabay shaqooyinka amniyaadka sida madax jabinta qaraxyada, Banbooyinka gacanta laga tuuro iyo waxyaabo kale oo badan.

Wuxuu kamid ah dhalinyaradii shisheeyuhu u tababaray ineey umada soomaliyeed gumaadan waxaana kudhacay inkaarta dadkii gacantiisa uu ku dilay ee masaakiinta ahaa, Waxaa kudhacay cudurka looyaqaano Suuxdinta ama qalalka wuxuuna isticmaala irbad, isagoo lagu tilmaami karo bukaan socod madama uu qof duriin ku socdo uu yahay.

xiligii shisheeyuhu ay tababareen lasiin waxaa lasiin jiray daroogo la isku daray taaso jirkiisa kujirta mudo 7 bilooda oo uu waxkastaa ku kacayo qofka inta ay suntaasi kujirto jirkiisa.

kadib wuxuu kamid ahaa ragii soomali galbeed ee isu dhiibay dawlada ismaamulka soomalida itoobiya, oo gumaad shacab iyo mid deegaanba kula kacday dadkii deegaankaasi ku dhaqnaa.

Muda markuu joogay magaalada jigjiga waxaa la ogaaday inuu ka shaqaynayo sidu ku soogalin lahaa qolyo miinaystayaal ah si uu ugu isticmaalo magaalada jigjiga, walow uu ku guuldareystay arinkaas.

Kadib wuxuu kaqeyb qaatay iskuday afganbi dhicisoobay isaga iyo rag kale oo isla miineystayaashiisa kamid ah wuxuuna ku baxsaday fara cididood isagoo usoo cararay soomaaliya si uu gabaad uga dhigto.

Wuxuuna shaqa kabilaabay jubaland oo ay ka jirto dawlad cusub oo iftiinka soomaliyeed horseed u noqotay wuxuuna hada ka dhex bilaabay shaqooyin argagixisanimo iyo sidii uu ku burburin lahaa maamulkaas hanaqaadka kujiray dhowrka sano isagoo intii uu jubbaland joogay ku guuleystay inuu khaarijiyo rag uu islahaa waa kaa warqabaan oo halis ayey kugu yihiin sida taliyayaashii xilka nabad sugidda jubbaland kaga horeeyey ee ciise kaambooni iyo Cawil oo labaduba gacanta khaalid kubaxay.

Hadaba waxaa xaqiiqa kooxaha mayalka adag ee dabar gooynta diinta islaamka gaar ahaan umadda soomaaliya ineey si baahsan ugu dhex baaheen umada waxqabad kooduna waa qarax, mishin iyo shirqool, dil dhiig-daata, kala carar, argagax galin, khilaaf abuurid, shaki galin, burburin iyo kalatag. Najiidoodune waa intaas waana hubaal in khaalid iyo asaagii ay arimhaas hormuud u yihiin ee ha udayma la aanina.

Reer jubaland waa in ay fiiro gaar ah u yeeshaan shakhsiyaadka argagixisada ah ee ku dhexjira, xilka iyo masuuliyadane u hayo mana ahan inaad lumisaan kalsoonida iyo walalnimada aad isku qabtaan ee aad caanka ku aheydeen, yeysan idiin ka faa’iideysan shakhsiyaad uu gabalkoodu sii dhacaayo.
W/Q Cabdalla Subeer Isaxaaq oo Kamida Ciidamada Jubbaland

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.