Akhriso-:War-murtiyeed laga soo saaray Shir ka socday Kismaayo.

Shir Labadii maalmood ee la soo dhaafay ka socday Magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose ayaa maanta lagu soo gaba-gabeeyay magaalada waxaana laga soo saaray War-murtiyeed ay ku heshiiyeen dhinacyadii shirka u dhaxeeyay.

Shirkaan ayaa u dhaxeeyay Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya iyo Wasaaradaha Ciyaaraha iyo Dhalinyarada ee Maamul Gobaleedyada Dalka waxaana looga hadlayay Ciyaaraha Soomaaliya ee dhawaan ka furmi doona magaalada Kismaayo.
dhinacyadii ka qeyb galay Shirkaan ayaa ku heshiiyay in 7-da Bisha December ee Sanadkaan kismaayo lagu qabto Ciyaarta maamul Gobaleedyad Soomaaliya iyo Maamulka Gobalka Banaadir ciyaartaan oo noqoneyso markii labaad oo lagu qabto Soomaaliya  waxayna noqotay Ciyaarta ugu xiisaha badan.

                                                              Hoos ka aqriso:

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.