Daawo: Madaxweynaha Somaliland oo Farriin u diray Xisbiyadda

Madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa ka hadlay Cabashooyinka iyo sidoo kale isku dhacyadii ugu dambeeyay ee ka dhacay Magaalooyinka Hargeysa iyo Burco.

Waxaa uu sheegay in ay muhiim tahay in la ilaaliyo Sharciga iyo kala dambeynta inta guddiga doorashooyinka ay ku dhawaaqayaan Cidda ku guuleysatay doorashaddii Isniintii lasoo dhaafay ka dhacday Somaliland.

Waxaa uu ka codsaday Xisbiyadda in aysan guul sheekan oo aysan Shacabka kicin,iyadoo aan wali la shaacin Natiijadda doorashadda.
Madaxweyne Siilaanyo ayaa ugu dambeyntii xusay in doorashadii Somaliland ay ku dhacday si cadaalad ah, islamarkaana aysan jirin ku shubasho.

https://youtu.be/kc5ub3Xz0kE

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.