Golaha Shacabka oo markii ugu horeysay Canshuur lagu soo rogay.

Markii ugu horeysay ayaa Canshuur lagu soo rogay Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Lacagta Gunnada ah oo ay qaataan taasoo noqoneysa talaabo hore loo qaaday oo dhinaca Dowladnimada ah.
Dr C/raxmaan Ducaale Beyle Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa warqad uu 9-kii bishan u qoray Guddoomiyaha Golaha shacabka ayuu ku wargeliyay in Xildhibaanada aan wax canshuur ah laga goyn, wixii ka dambeeya October 2017 lana bilaabi doono canshuurista Gunnada ay qaataan Xildhibaanada.
Warqada ayaa lagu sheegay in talo bixin dhanka sharciga ah lala sameeyay Garyaqaanka Guud ee dowladda, taasoo lagama maarmaan noqotay in dib looga nodo canshuur dhaafkii loo sameeyay Xildhibaanada Golaha shacabka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.