Maxaa looga hadlayaa Kulanka Baarlamaanka ee Maanta?

Xildhibaanada golaha Shacabka BJFS ayaa Maanta waxaa la horgeynayaa miisaaniyadda dowladda ee 2018 oo ay soo diyaarisay Wasaarada Maaliyadda.

Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa 14 bishaan November cod wada ogol ah ku ansixiyeen Miisaaniyadda dowladda.

Wasiirka Wasaarada Maaliyadda Xukuumada Soomaaliya C/raxmaan ducaale Bayle ayaa lagu wadaa in xildhibaanada uu hortago sharaxaadna uu ka siiyo sida ay hay’addaha dowladda ugu qoondeeyeen miisaaniyada 2018.
Miisaaniyadda 2018 ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa gaareysa lacag dhan $274,640,191 (labo boqol iyo toddobaadan iyo afar Milyan, lix boqol iyo afartan kun, boqol iyo sagaashan kow dollar).

Miisaaniyaddii hore ayaa ahayd 260 milyan, Farqiga u dhaxeeya labada miisaaniyadood ee 2017 iyo tan cusub ee 2018 ayaa ah 14 milyan oo micnaheedu yahay 5.63% ayaa ku korortay Miisaaniyada cusub ee 2018.

Waxaa miisaanad gaar ah sanadka 2018 loo qoondeeyay markii ugu horeysay dhismaha akadheemiyada afka soomaaliga.

Sidoo kale waxaa miisaaniyad gaar ah loo qoondeeyay oo miisaaniyadaan ku jira dhismaha warshada dharka ee ciidamada qalabka sida.

Miisaaniyadii hore ee dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ka imaaday dood badan iyo in aysan jirin qanasanaan hay’addha dowladda waxaana Hay’addaha dowladda qaarkood ay ka cabanaayeen in miisaaniyad yar loo qoondeeyay sida adeegyada bulshada caafimaadka iyo waxbarashada iyo Hay’addaha garsoorka dalka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.