Wararkii ugu dambeeyay ciidamo ka tirsan DF oo Muqdisho lagu weeraray

Ciidamo ka tirsan dowladda Federalka Soomaaliya ayaa lagu weeraray Xaafadda Xamar Jadiid ee Degmada Wardhiigley, kadib markii dabley gaari wadatay ay rasaaseeyeen ciidankaasi.

Ciidanka la weeraray ayaa ku sugnaa goob lagu baaro gaadiidka oo ku taallo Suuqa Xamar Jadiid, waxayna tiradooda gaaraysa illaa saddex askari mid ka mid ah askartaasi ayaa ku dhaawacmay weerarkaasi.

Askariga dhaawacmay ayaa u geeriyooday xalay dhaawicii soo gaaray, kadib markii isbitaalka uu ku dhintay sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha ciidamada dowladda Federalka Somaliya.
Dableyda hubaysan oo ka tirsan Shabaab ayaa waxa ay ku baxsadeen gaarigii ay wateen, kadib markii ay rasaaseeyeen ciidankii ku sugnaa Koontaroolka gaadiidka lagu baaro ee Suuqa Xamar jadiid.

Muddooyinkan dambe waxaa aad u yaraa gaadiid ay saaran yihiin rag hubaysan in Magaalada gudaheeda ay ku rasaaseeyaan ciidanka dowladda iyo masuuliyiinta intaba.

Wadooyinka Magaalada Muqdisho intooda badan ayaa waxaa yaallo goobo koontaroolo ah oo ciidamada ammaanka ay ku baaraan gaadiidka yar yar ee Magaalada dhexmara, iyadoo ay xiran yihiin jidcadyaasha guud ahaan dhexmara xaafadaha Muqdisho.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.