Heshiiska waxaa sal u ah in labada dal uu mid waliba uu kan kale ku qaddariyo madaxbannaanidiisa iyo wadajirkiisa dhul ahaaneed.
Heshiisyadan waxaa labada dal u saxiisay labada Wasiir Arrmio Dibadeed oo kale ah Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Federaalka Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Lithuania Linas Linkevičius.
Heshiiskan ayaa si gaar ah uga dhacay magaalada Abidjan ee dalka Côte d’Ivoire, waxaana dalka Lithuania uu xubin ka yahay Qarammada Midoobay iyo Midowga Yurub.
Wixii hada ka dambeeya labada dal waxaa ka dhexeeya cilaaqaad diblomaasiyadeed, kaas oo u waddada u furaya in ay labada dal iska kaashadaan dhinacyo labadaba dan u ah, oo ay ugu horeeyaan Ganacsiga iyo kobcinta dhaqaalaha
Leave a Reply