Kalfadhiga labaad kulankiisa 34-aad ee Mudanayaasha golaha Shacabka waxaay ugu horeyn u codeeyeen Xildhibaan hore Muumina Sheekh Cumar oo ka mid noqoneysa gudiga Madaxa banaan ee la socodka iyo dib u Eegista Dastuurka Dalka,waxaana ogolaatay 158 mudne oo ka mid aheyd 159-ka xildhibaan fadhiga maanta soo xaadiray waxaana diiday hal mudane mana jirin cid ka aamustay sida uu natiijada codeynta uu ugu dhawaaqay Gudoomiyaha golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo kulanka shir gudoominayay
Leave a Reply