Xildhibaanada Baarlamaanka Jamuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshay xarunta Golaha shacabka ayaa ansixiyay xubin ka mid noqon doonta Gudiga madaxa banaan ee hirgelinta iyo dib u eegista dastuurka.
Golaha Shacabka Jamuuriyada Fadaraalka marki uu furmay kulankooda waxaay cod aqlabiyadleh ku ansixiyeen xubinnimada Muumino Shiekh Cumar, oo noqoneysa Xubin ka mid ah Guddiga madaxa banaan ee hirgelinta iyo dib u eegista dastuurka.
Muumino Sheikh Cumar ayaa lagu wadaa iney marto xildhibaanada Aqalka sare si ay iyagana u ansixiyaan markaasi oo ay noqon doonto xubin buuxdo oo ka mid ah Gudiga madaxa banaan ee hirgelinta iyo dib u eegista dastuurka.
Muumino Sheikh Cumar oo ka mid ahayd Xildhibaanadii hore ayaa dhawaan waxaa sidan oo kale soo meel mariyay Xubinnimadeeda Guddiga Madaxa banaan ee hirgelinta iyo dib u eegista dastuurka Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Leave a Reply