Daawo:Madaxwaynaha Soomaliya ayaa Hadal Qiimo leh udiray shacabka Mudug iyo Galgaduud

farmajo

Madaxwaynaha Soomaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa waxuu Hadal qiimo leh kajeeday heshiiskii dhexmaray Galmudug iyo Ahlusuna Madaxwaynaha ayaa ugu horeey uga mahadceliyey cid kasta oo ka qayb qaadatay heshiiskaan sida dowlada Jabuuti.

Madaxwayne Soomaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa sharaxay Heshiiskaan, waxuuna sheegay inuu xal yahay waxuuna tusaale usoo qaatay heshiiskii ka dhacay Jabuuti oo lagu daray barlamaanka Soomaliya in kabadan 200 xildhibaan si loogu qanciyo garabkii Maxaakiinta.

Madaxwaynaha Soomaliya ayaa ugu dambeyntii wuxuu kula dardaarmay labada garab ee heshiiska ku dhexmaray Muqdisho inay hirgaliyaan heshiiskaan markii ay ku noqdaan deegaankooda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.