Magaalada baardheere waxay kamid tahay Magaalooyibka ugu facawayn Dalkeena Soomaaliya, iyadoo caan ku aheyd barashada culuumta diiniga ah, si gaar ahne barashada culuumta “Fiqiga”.
Waxay Degmadan Qadiimiga ah saldhig u aheyd mid kamid ah dhaq-dhaqaaqyada diiniga ah ee ugu facwaynaa Dalka, kaas oo loo yaqiinay “ Jamaacada Baardheere”. Jameecadaas oo uu aas’aasay sheikh xasan Ibrahim yabarow Q.17-aad, Sheekhaas oo ahaa caalim dhanka diinta cabqari ku ah, waxna kusoo bartay dhulka barakaysan ee Xijaas “Makka iyo Madiina”.
Jamacaada baardheere kuma ekeyn barista diinta islaamka dadka oo kaliya ee waxay aheyd mid dhaqan-galisay xukunka sharciga islaamka, taasi oo awoodeeda ku baahisay ilaa dhulka shabeelooyinka loo yaqaan.
Tan iyo markaas baardheere waxay aheyd magaalo loo raadsado barashada diinta islaamka, caanna ku noqotay soo saarista shuyuukh barashada diinteena suuban ay ka go’neyd.
Isbadaladii ka danbeeyey bur-burkii dalka ka dhacay iyo soo bixitaankii ururadii Salafiyiinta waxay Baardheere gashay marxalad ka duwan tii ay caanka ku aheyd walow Salfiyiinta qudhooda waxbadan oo xadaarad ah ay magaalada kusoo kordhiyeen hadane cilmi dalabkii ayaa hoos u dhac kuyimid sida ay qabaan xeeldheerayaal muddo badan baardheere kusoo noolaa goobjoogne usoo ahaa Magaalo cilmiga loo soo doonto.
Magaalada baardheere oo ah magaalo eey daganyihiin bulshooyin kala duwan, xarunna u aheed fikrado, iyo afkaaro kala duwan sida suufiyada noocyadooda, jamaacada hijrada iyo Takfiirka, salafayada cusub “ السلفية الجديدة” iyo salafayadii hore ayaa wajahday iska hor imaadka dhanka fakarka ah, ayadoo uu meesha ka baxay ixtiraamka xorriyada fakirka, tix-gallinta kala arragti duwanaasha gabi ahaanba bulshooyinka kala duwan ee baladka ku wada nool kuwaas oo lakala saftay dhinacyada aan kor kusoo xusay.
Muddo todoba sanno ah oo xukunka al-shabab magaalada ka talinaayey waxaa istaagtay wax barashadii diiniga aheyd ee ay dagmada caanka ku aheyd, ee dhinaca jamaacada, walow faafinta afkaarta Salafiga ay xoojiyeen.
Waxaana magaalada laga furay hab casri ah oo wax lagu baraayo dhallinta,haweenka iyo qeybaha kale ee bulshada sida macaahid diini ah oo xarakada la baxday “Shabaabul Mujaahidiin” ay taabo galiyeen, kuwaas oo wax lagu barayay bulshooyinka baardheere ku dhaqan ee xilligaas cilmi dalabka ahaa.
Hadda oo sadax sanno ku dhawaad kasoo wareegtay xukunkii al-shabaab ma jirto wax barasho diineed oo Magaalada ka jirta waxaana wali saaxada ka maqan wax barashadii diiniga aheyd nooc kastooy noqon laheydba.
Waxaa kaloo saaciday hoos u dhacani barashada diiniga ah dadka oon jecleysan habkii hore ee wax barashada kaddib baahinta nidaamka casriga “ Academic learning”, waxayna u baahi qabaan helitaanka kulliyado sharciga lagu barto, macaahid diini ah iyo qaar kaloo badan.
Si kastaba Baardheere ayaa cagta saartay wado ka duwan tii ay caanka ku aheyd ee barashada culuumta diiniga ah iyadoo hadda aad moodo in la abaaray barashada Maadiga xooggane la saarayo walow eeysan jirin Xarumo heer sare ah oo daboollo baahidaa.
W/Q: Cali Sheikh Adam Yusuf “Cali Somali”
Baardheere, Gedo, Somalia.
Leave a Reply