
Waxaa goor-dhaw soo gaba gaboobay dhageysiga Dacawadii ka socotay Maxkamadda gobalka Banaadir oo maanta cadeymihii ay soo aruuriyeen looga dhageestay Dacwad oogayaasha C/raxmaan C/shakuur Warsame oo ay Dowladda Soomaaliya ku weerartay Gurigiisa 17-kii bishaan.
Guddoomiyaha Maxkamadda Gobalka Banaadir Aweys Shiikh C/llaahi oo wariyiyaasha la hadlay ayaa sheegay in Xeer ilaalinta ay ku guul dareesteen in ay keenaan warqadihii lagu amray soo qabashada Siyaasiga C/raxmaan C/Shakuur Islamarkaana ay keeni waayeen cadeymihii kale ee looga baahnaa, sidaas darteed waxa ay maxkamadda amartay in la sii daayo C/raxmaan oo si damaanad ah Xalay lagu soo daayay.
Maxkamadda ayaa sidoo kale sheegtay in aysan racfaan qaadan karin Xeer ilaalinta Soomaaliya ee Dacwada ku soo oogay C/raxmaan C/shakuur Warsame
Leave a Reply