Senator C/raxmaan Faroole oo ka tirsan Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka ayaa shir jaraa’id uu saaka ku qabtay magaalada Garowe waxaa uu kaga hadlay arrimo dhowr ah, isagoo ka dhawaajiyay inuu socdo qorshe lagula dirirayo nidaamka federaalka.
C/raxmana Faroole ayaa ugu baaqay Guddoomiyaha Golaha shacabka iyo Wasiirka Dastuurka inay faraha kala baxaan howlaha ay faraha kula jiraan, isagoo tilmaamay inay la wareegeen awoodihii hey’adaha dastuuriga.
Leave a Reply