Muqdisho — Madaxa Qaramada Midoobay ugu sarreeya Soomaaliya ayaa soo dhoweeyay ansixintii dhowaan la ansixiyay miisaaniyadda federaalka ee dalka, taas oo ah guul weyn oo laga gaaray horumarinta dhaqaalaha, waana tallaab dalka usoo dhoweynaysa in uu dhaqaale ka helo hay’adaha maaliyadeed ee caalamiga ah.
“Tani waxay calaamad u tahay masaafada ay Soomaaliya kasoo gudubtay dhowrkii sano ee lasoo dhaafay – waxay kusoo dhowaanaysaa inay awood u yeelato inay cageheeda isku taagto maaliyad ahaan, sida xubnaha kale ee beesha caalamka. Marki ay hirgalaan tallaabooyinka dakhli ururinta iyo dib-u-habaynta muhiimka ah, Soomaaliya waxay awood u yeelanaysaa inay hesho deeq iyo maalgelin shuruudeheedu dabacsanyihiin oo ay ka hesho hay’adaha maaliyadeed ee caalamiga ah, bedelkii ay si weyn ugu tiirsanaan lahayd deeq-bixiyeyaasha si ay u daboosho baahideeda maaliyadeed,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating.
“Tani waxay dadka Soomaaliyeed ee caadiga ah uga dhigantahay rajo dhab ah oo lagu helayo dugsiyo waxbarasho oo badan, isbitaallo iyo kaabayaasha aadka loogu baahanyahay maadaama dowladdu ay awood u yeelan doonto inay soo amaahato lacag dulsaarkeedu si cadaalad ah loogu jaan-goyay suuqyada caalamiga ah,” ayuu raaciyay. “Tani waxaa kale oo ay calaamad u tahay xasilooni soo tarmeysa, waana in dowladihii hore iyo tan hadda jirta lagu amaano dadaalladooda ay hawsha halkaan kusoo gaarsiiyeen.”
Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF) ayaa sheegay in deyn-bixiyeyaasha caalamiga ah ay Soomaaliya ku leeyihiin $5.2 bilyan. Baarlamaanka Soomaaliya ayaa todobaadkii lasoo dhaafay ansixiyay miisaaniyadda 2018ka, iyadoo xirmadan ka kooban $274 malyan ay tahay tallaab muhiim ah oo wax looga qabanayo shuruudaha dib-u-habaynta maaliyadeed ee ‘Barnaamijka Kor-joogtaynta Hawl-wadeennada’ (SMP) ee Sanduuqa Lacagta Adduunka ugu talo galay dalalka bariga Afrika.
Barnaamijka Kor-joogtaynta Hawl-wadeennada waxaa loogu talo galay horumarinta dadaallada dib u dhiska dhaqaale iyo in loo suurto geliyo dalalka inay sameystaan diiwaan dabagal oo loogu talo galay hirgelinta siyaasadda iyo dib-u-habaynta. Soomaaliya waxay durba dhamaystirtay Barnaamijkii ugu horreeyay ee Kor-joogtaynta Hawl-wadeennada sanadkii 2016-2017.
“Waxaa na dhiirigelinaya ballan-qaadyada madaxda iyo xawaaraha dib-u-habaynta ee lagusoo celinayo hay’adihii dhaqaalaha iyo maaliyadda ee muhiimka ahaa, waxaana soo dhoweynaynaa dadaalladooda ku aaddan in barnaamijku kusii socdo si sax ah,” ayuu Sanduuqa Lacagta Adduunka ku yiri war-saxaafadeed kadib kulankii ay todobaadkii lasoo dhaafay la qaateen madaxda Soomaaliyeed. “Hawl-qabashada madaxda ee ku aaddan Barnaamijka Kor-joogteynta Hawl-Wadeennada ee bishii September 2017 ayaa si weyn loogu qancay.”
Sanadka soo socda ayaa Sanduuqa Lacagta Adduunka wuxuu go’aanka ugu dambeeya ka gaari doonaa u hogaansanaanta Soomaaliya ay u hogaansantay shuruudaha Barnaamijka Kor-joogtaynta Hawl-wadeennada ee sanadka 2017, waxaana wada-xaajood laga geli doonaa Barnaamij Kor-joogtayn Hawl-wadeenno oo daba-socda midka lasoo gabagabeeyay.
Ergeyga Gaarka ah Keating ayaa ugu baaqay madaxda dalka inay xaqiijiyaan in qiimaynta sanadka soo socda lagu samayn doono horumarka Soomaaliya in uu noqdo mid wanaagsan, iyadoo wixii kala duwanaan siyaasadeed ah lagu xallinayo wadahadal iyo niyad wanaag.
“Xasillooni siyaasadeed waxaa ay wax ka taraysaa uun sidii lagu xaqiijin lahaa arrimahaas,” ayuu yiri. “Waxay gacan ka geysanaysaa sidii loosoo jiidan lahaa maalgelinta hay’adaha dowladda iyo ganacsiyada gaarka loo leeyahay, waxayna xoojinaysaa horumarka dalka ee kobcinta maaliyadeed.”
Soomaaliya ma awoodin inay xalliso deymaha dibadda loogaga leeyahay tan iyo markii dagaallada sokeeye ay dillaaceen sanadkii 1991.
Iyadoo ay halakeeyeen abaaro iyo colaado hubaysan, iyo weliba horumar la’aan, ayaa hadda Soomaaliya waxay ku tiirsantahay deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah si ay wax uga qabato inta badan baahideeda maaliyadeed. Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah Maxamed Cabdullaahi Maxamed ‘Farmaajo’ ayaa dhowr jeer ugu baaqay deyn-bixiyeyaasha caalamiga ah ee dalka ku leh deymaha inay deymahaas ka cafiyaan Soomaaliya iyadoo loo marayo waxa loogu yeero Barnaamijka Dalalka Saboolka ah ee Deymaha Culus lagu Leeyahay (HIPC), oo ay asaaseen Sanduuqa Lacagta Adduunka iyo Bankiga Adduunka sanadkii 1996 si ay u xaqiijiyaan in dal sabool ah aanu la kulmin culays deyn oo ka badan awooddiisa adeeg-bixin iyo maareynta [arrimihiisa].
Leave a Reply