Tallo bixin ku saabsan dhismaha Gollayaasha deegaan & dowladaha hoose ee jubbaland W/Q Cali Sheikh Cali Soomali

Dhamaan dowladaha qaatay nidaamka daadihinta xukunka “ Faderalism System” waxay isku Raacsanyihiin hanaanka kala sareynta maamulka.lkn waxa ay ku kala duwanyihiin kuwa Dastuurka uu qeexo hanaankaas iyo kuwa Dastuurka Dowlad Gobaleedka loo daayey.

Kala sareynta kuxunka ayaa ah Dowlad faderal ah, Dowlad gobaleed, iyo Dowlad hoose ama Deegaan.

Dastuurka soomaaliya ee KMG ah ayaa qaatay in Dowladda eey noqoto labo heer, Dowlad Faderal ah, iyo Dowlad gobaleed. Halka Dowlada hoose uu raaciyey Dowlad Gobaleedka, Waana mid kamid ah labada qaab ee dunida laga isticmaallo, Sidaana waxaa xusaya Q.48aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Nidaamka “gollayaasha deegaanka” ayaa ah mid bilowday kaddib dagaalkii labaad ee Aduunka, waxaana lagu qeexaa haay’adaha aysan u dhaxeyn ayaga iyo shacabka wax Maamul ah oo kale.

Tirada iyo baaxada shaqada hadbo waxa ay ku xirantahay xaalada siyaasadeed, dhaqaalle, Tirro Dadka ee ku nool deegaanka, Tusaale ahaan baardheere iyo kismaayo lama mid noqonayaan Garbaharey iyo Bu’aalle waayo Baaxad iyo bulsho ahaan midna masinna Degmooyinkaas.

Gollayaasha ayaa lagu tiriyaa kaabayaasha, dowladnimada, dimuquraadiyadda iyo isla Xisaabtanka, Sidoo kale waxay abuurayaan wacyiga siyaasadeed ee bulshada.

ayadoo laga duulayo mabda’a oranaya waa in Dowladda laga bilaabo hoos ilaa kor loo dhiso”
Wax qabadkooda gollayasha ayaa ah hadbo sida looga faa’iideysto. waxa lagu sheegaa golayaasha wadanka “USA” kuwa leh, shaqooyin xaddidan, halka wadamo kale yihiin kuwo leh shaqooyin badan oo furan.

Caqabadaha haysto dhismaha golayaasha deegaanka & dowladaha hoose.

Waxaa jiro caqabado guud oo golayaasha dunida qaarkood haysto, kaas oo ah in dhaqaalo Ahaan aysan is bixin Karin kuna tiirsanaadaan Dowlad gobaleedka.

Markii aan ka hadalno gollayaasha deegaan ee laga bilaabay dhismahooda dowlad Gobaleedka jubbaland, gaar ahaan Kismaayo iyo Garba harrey waxaa kamid ah :
• Caqabad dhanka amniga ah: ayadoo lagu tiriyo Dowlad gobaleedka Jubbalnd Xarumaha ugu wayn ee soomaaliya ku leeyihiin ururada Dowladda kasoo horjeedo, taas oo gaabineyso shaqooyinkii loo igmaday.

• Deegaanadii laga fulin lahaa oo gacanta Dowladda aan galin: ayadoo lagu heshiiyey baahinta nidaamka heer kasta, lana qaatay hanaanka faderalka ayaan wali lagu guuleysan in dowlad gobaleedyadii laga daadihiyo halkii lagu unkay, Waxayna Aheyd in ilaa heer tuulo uu Muwaadinka helaa adeegga bulsho, iyo mataalaad siyaasadeed. Waxii wali gacanta jubbaland ka maqan gobalkii isku xiraha u ahaa labada Gobal ee kala ah jubbada hoose iyo jubbada sare “ Gedo”, waxaana wali aan lagaarsiin inta Gacanta ku jirta adeegii ay xaqa u lahaayeen.

• Caqabad dhanka Dastuurka ah: Dastuurka ayaa lagu macneeyaa heshiis bulsho oo ah Arrimaha siyaasadda, waxaana jiro habab dimuquraadi ah oo uu usameysmo iyo kuwa aan aheyn dimuquraadiba, Waxaa mugdi ku jiraa qaabka uu u sameysmay Dastuurka jubbaland iyo in wali bulshada aysan ka heshiin waxa ku qoran, Waxaa kaloo jira muran ka jira Deegaano aan aheyn kuwii Dowladdii dhexe ka tagtay, sida buurdhuubo, ceel-cadde, Salagle Xagay iyo wixii la halmaala, Deegaanadaas ayaa ah kuwo u qalmo dagmannimo qaarkood haatan, una Baahna mataalad iyo xukun siyaasadeed, halka Dastuurka Faderalka ah uu faraayo in lagu ekaado dagmooyinkii Dowladdii dhexe ka tagtay, kuwaas oo la sheego inay gaarayaan 92 Degmo guud ahaan dalka, Arrintaa ayaan wali laga gaarin wax Go,aan ah.

• Sharuucdii loo baahnaa oon wali la dajin: Baarlamaanka jubbaland oo ah mid Ku yimid hanaan xulasho ayaan wax shuruuc ah soo saarin mudada uu jiro, Waxaa kaloo saaxadda ka baxay saameyntiisa siyasadeed, arrimahaas oo ay keentay Duruuf siyaasadeed jirta, Suurta galna ma aha golayaal deegaan oo sharciyo Hagaayo aan laheyn.

Ugu danbeentii waxaan soo jeedinayaa in aan mar kale lamarin habaabin bulshada, Lagana gaaro Isfahan siyaasadeed arrimaha Dastuurka jubbaland, qaab dhismeedka Maamulka, dajinta qorshaha hiigsiga fog, isla xisaabtanka iyo daah-furnaanta. Si Muwaadinka u helo adeeg dowladnimo, amni iyo xasilooni siyaasadeed.

Haddii wax kasta lagu wado is fahan siyaasadeed ayadoo uusan jirin Dastuur, iyo shuruuc ay u simanyihiin muwaadiniinta, lana abuurin kalsooni bulsho iyo dareen wadaninimo way Adagtahay in wax faa’iido ah ama isbadal siyaasadeed ay keenaan gole la dhisay.

W/Q: Cali sheikh aadam yuusuf “ Cali soomaali”
Baardheere, Gedo Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.