Saraakiisha amaanka maamulka Koofur Galbeed ayaa sheegay in ay wadaan qorshe ay deegaanada maamulkaasi kaga saarayaan Dagaalamayaasha Al-Shabaab oo ku sugan meelo badan oo ka mid ah Koofur Galbeed.
Afayeenka maamulka Koofur Galbeed ayaa warbaahinta u sheegay in la dejiyay qorshe cusub oo Al-Shabaab looga sifaynayo gobalka Islamarkaana ay qeyb weyn ka qaadanayaan Shiikh Mukhtaar Roobow Cali Abuu mansuur iyo Saraakiil kale oo dhawaan ka soo goostay Al-Shabaab kuwaas oo ku biiray Koofur Galbeed.
Magaalada Baydhabo ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa tagayay Saraakiil ka soo goostay Al-Shabaab kuwaas oo ku soo biiray maamulka Koofur Galbeed, Abuu Mansuur ayaa wada dadaaladii ugu dambeeyay ee Al-Shabaab looga saarayo deegaanada maamulka K/Galbeed
Leave a Reply