Wasiirka Amniga jubbaland oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa fahfaahin ka bixiyay xiisada ka soo cusboonaatay magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo, kadib markii darbiga Kenya ay ka dhiseyso xuduuda labada dal ee Soomaaliya iyo kenya.
hayeeshee Dhacdadan ayaa si kulul waxaa ay u kicisay bulshada ku nool Magaalada Baled Xaawo, waxayna maalmihii la soo dhaafay dhigeen bannaanbaxyo rabshado wata, iyagoona gacmaha ula tagey Ciidanka Kenya.
Wasiirka Amniga Jubbaland oo gaaray Degmada Baled Xaawo, ayaa kula kulmay Maamulka Degmada iyo qaybaha bulshada, waxaana uu u sheegay inaanan Kenya looga aamusi doonin xadgudubkeeda ka dhanka ah dhulka Soomaaliya
Sikastaba ha ahaatee dowlada Kenya, ayaa horey u sheegtay in darbi weyn ay ka dhiseyso xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo kenya,inkastoo arintan ay ka hortimid dowlada federaalka Soomaaliya
Leave a Reply