Gudoomiye Thaabid ayaa sheegay inuu doonayo in si deg deg ahi loosoo qabto dadkii ka dambeeyay dilkii qorsheysnaay ee xalay ka dhacay degmada xamar weyne e gobalkaan banaadir kaasi oo lagu dilay labba dhalinyaro oo mid kamid uu ahaa macalim dugsi quraan sida la sheegay.
Wuxuuna intaasi ku daray in kooxaha dilka ka geysta gobalkaan banaadir deetna ka baxsada goobta ay falka ka geystaan aysan ahayn mid la aqabali karo.
Taabid cabdi Maxamed gudoomiyaha gobalka banaadir ahna duqa magaalada muqdiosho ayaa ka dalbaday shacabka soomaliyeed in ay kaalintooda ka qaataan nabadeynta caassimada soomaliya, islamarkaana ay la shaqeeyaan hay’adaha amniga ku howlan
Leave a Reply