Magaalada Beladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan ayaa waxaa ka taagan dhibaato badan oo ay wajahayaan shacabka ku nool magaalada iyo guud ahaan gobalka Hiiraan taas oo ka dhalatay dayac dhinaca maamulka ah iyo qatarta Al-shabaab.
Shacabka ayaa waxay marti gilinayaan Biyo la’aan Lacagtii shilinka Soomaaliga oo laga diiday, Cudurka Daacuunka, iyo xaalad amni xumo kadib markii shabaab ku soo dhawaadayn waxayna dhibaatooyinkaan soo taagnaayeen mudooyinkii la soo dhaafay.
Xildhibaano ka tirsan labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya oo ku sugan Beladweyne ayaa bilaabay dadaalo wax looga qabanayo dhibaatooyinka taagan, waxayna la kulmayn qaybaha shacabka si xal loo helo.
Xildhibaan Khaliif Cabdi Cumar oo ka mid ah Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa uga waramay Radio Kulmiye dhibaatada Beladweyne ka taagan iyo kulamo halkaasi ay ka wadaan.
Leave a Reply