Buurdhuubo waxay kamid tahay Degmooyinka Gobolka Gedo, waxay dhacdas bariga Gobolka gaar ahaane xuduuda kala qeybisa Gobolada Gedo iyo Bay, waa Magaalo dhul beereed wax soosaar leh uu eebbe ku maneystay, waxaa mara wabi weynaha Jubba ee kasoo bilowda itoobiya kuna dhamaada Goobweyn Jubbada Hoose,Soomaaliya.
Waa magaalo ku taal dhul carrosan ah oo ciideeda ay yartahay meelaha laga helo soomaaliya, dadka dhul yaqaanka ah waxay sheegaan in buurdhuubo ciiddeedu ay tahay dahabi taasi oo ah carada ugu wanaagsan carrooyinka.
Xagga dhaqashada xoolaha nool waa ay ku wanaagsan tahay degmada waxaana jira xoolo dhaqato badan oo degmada ku nool kuwaas oo nolol maalmeedkooda ay kutiirsanyihiin dhaqashada xoolaha nool cadkooda iyo caanahooda.
Buurdhuubo waxay marti galisay Qaxootigii ugu badnaa ee soomaaliyeed xilligii dowladdii Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre, gaar ahaane xilligii laga soo laabtay dagaalkii 1977 dhex maray soomaaliya iyo itoobiya.
Dowladdii kacaanka oo qorshaheedu ahaa in ay dhismato xarun Goboleedka Gedo ee Garbaharay, ayaa buurdhuubo ka hor istaagtay degmo in ay noqoto Bacdamaa ay aadne ugu dhawdahay masaafo ahaan magaalo madaxda Gobolka kheyraad ahaane ay ka waxsoosaar badantahay, arintaas oo muddo badan ay ka dhiidhinayeen Waxgarad udhashay degmada sida caaqilkii Cabdulaahi xasan Nuur iyo duubab dhaqameedyo kale oo ree Buurdhuubo ah.
Balse aqoonsi la’aanta kasokow waxay laheyd dhamaan xuquuqihii degmo ku laheyd dowladda sida Gudoomiye degmo, golayaal dhaqan oo degmooyinka lamid ah ay lahaayeen, ciidamo booliis, Maxkamado iyo dhamaan adeegyada ay bulsho degmo dagan mudnaayeen.
Wuxuu madaxweyne maxamed siyaad Barre maamulkiisa degmada u magacaabay intuu uu xilka hayay ilaa afar Gudoomiye degmo kuwaas oo kala ahaa
1, Xuseen Sheekh Bashiir oo ahaa Gudoomiyihii ugu horeeyey ee ay buurdhuubo yeelato
2, Maxamed Shariif Xirsi dhudi oo ahaa Gudoomiyihi xigay.
3, Irbad nin lagu magacaabi jiray lakiin aysan iisuuragalin inaan helo magiciisa oo sadexan iyo muddo xileedkiisa.
4, Aadan Xarbi cali oo asagune noqday Gudoomiyihii ugu waqtiga dheeraa sidoo kalane markale Burburkii kadib soo noqday Gudoomiyaha degmadaas.
1991-kii Xilligaas oo dowladii kacaanka ay sii dhaceysay ayaa buurdhuubo iyo sadex degmo oo kale wuxuu madaxweyne Maxamed siyaad u magacaabay Degmooyin waxayna kala ahaayeen, Buurdhuubo oo Gedo ka tirsan, Cadale iyo warshiikh oo Shabeelaha dhexe ah iyo Xagar oo Jubbada dhexe ka tirsan kuwaas oo lagu soo saaray faafintii rasmiga aheyd ee dowladda siduu ii xaqiijiyay Gudoomiyihii hore ee Gobolka Gedo Mudane Xuseen Sheekh cabdi Ismaaciil “Xuseen Fareey”.
Wixii ka dambeeyey burburkii dowladii kacaanka oo u baxsatay buurdhuubo kadib markii hogaanka dalka ay degmadaasi marti galisay waxaa iyagane soo maray gudoomiyayaal kale oo dhowr ah, waxaana kamid ahaa
Cabdiyare Garab-roor, Aadan xarbi oo marlabaad soo noqday Gudoomiyaha Degmada, Cabdulaahi Maxamed Shakuul “Cabdulaahiyow” Iyo Xasan yare oo hadda ah Gudoomiyaha Degmada Buurdhuubo.
Dhismihii maamulka Jubba ayuu axmed Madoobe xaqiray sadex degmo oo Gobolka Gedo katirsan oo midu tahay Buurdhuubo oo xilligii dowladii kacaanka degmo ahaan loo aqoonsaday iyo Ceelcadde iyo Geedweyne oo Madaxweyne Cabdulaahi yuusuf uu magacaabay taasi badalkeedane waxa uu Axmed meel marsaday Xagar oo Buurdhuubo la wareegto aheyd iyo Salagle oo ceelcadde iyo geedweyne la xilli aheyd.
Nasiib darro lama helin dad sidaas u xisaabtama oo u dooda xuquuqda degmooyinkooda taasi badalkeedane kuwo ree Gedo ah ayaaba axmed madoobe kaga sii xagjirsanaa xaqiraadda Deegaanadooda.
Maalmo kahor ayuu axmed madoobe sheegay in uu degmonimo u aqoonsaday Buurdhuubo iyo Dhoobleey oo raaskiisa hoose ay daganyihiin lakiin aysan jirin meel xitaa dowladihii kumeel gaarka ahaa ay degmo ahaan ugu aqoonsadeen.
Dhinaca sharciga Degmooyinka.
waxaa jira weydiimo badan oo taagan oo ay kamid tahay ayaa xaq uleh in uu degmo magacaabo ma dowladda dhexe mise maamul goboleed? Dastuurka maqeexayaa shuruudaha uu deegaan degmo ahaan ugu gudbi karo, bacdamaa ay yihiin arimo sharci la xiriira waxaan kala showray garyaqaan Cali Somali oo kamid ah dadka ku xeeldheer xeerarka soomaalida u qoran.
Garyaqaanka ayaa tilmaamahaan hoose kabixiyay degmada iyo waliba shuruudaha ay degmo ku noqon karto ayaa ku dooday.
1- Dagmo waa deegaan leh Soohdimo cayiman.
2- ka kooban ugu yaraan 5Tuulo. Tuuladu waa ineey leedahay shuruudahaan : waa ineey ku noolyihiin ugu yaraan 10,000 ruux, waa ineey leedahay Dugsi Hoose,Dugsi Qur’aan, Rug boolis, Xafiis Dowladda Hoose iyo xarun caafimaad, soona saari karto 14% Dakhliga guud ee Degmada.
3- Tirada dadka degan Degmada waa iney yihiin ugu yaraan 50,000 ruux.
4- waa ineey soo saaran karto dhaqaalaheeda ugu yaraan 70%.
5- masaafada udhaxeesa labada degmo waa ineeysan ka yaraan 40km.
Sikastaba Buurdhuubo waa degmo in la xaqiro ka weyn maamul gobol iyo mid goboleed toonana aan ictiraaf uga baahneyn, isku filan haysatane sharciyad iyo aqoonsi ay kaga mid tahay 92 degmo ee uu dalka u aqoonsanaa Jaalle siyaad Madaxweynihii hore ee Soomaaliya.
Dhawaan waxaan idiin la wadaagi doonaa Faallo kale oo ku saabsan Degmada ceelcadde ee dhacda Bartamaha gobolka Gedo kana mid ah magaalooyinka farakutiriska ah ee ku horeeya waxbarashada soomaaliya.
W/Q: Maxamed Cabdinuur Magan
mshaafici121@gmail.com
Nairobi, Kenya.
Xaqiiq waxaad ka hadashay wax jira. buurdhuubo waa degmo fac weyn, maalin uun bey xaqeeda soo daahiri donaa i.a
Burdhuubo
Hadaan nahay Bulshada Dagmada Buurdhuubo ee Gobalka Gedo waxaan diyaar u nahay inaan qaybteena la qaadan is hadalka ka socda Gobalka aysana Dagmadaani ka harin qayrkeed iyo Dagmooyinka ay la siman tahay.
Waxaan Soo dhawaynayaa Maamulka Jubba land iyo in Dagmada ay u soo dhisaan Maamul Hagi kara Bulshada Dagmada horumarin kara Bulshada soona kordhin kara Hal abuuro Cusub oo lagu Horumarino Dagmada iyo dadkeeda.
Buurdhuubo mudo waxay la daalaa dhacaysay Dibna ula haray Maamul Xumo Gaamurtay ,Wax qabad la aan iyo Musuq Wada jira taasi oo dagmadaani ka dhigtay mid fadhiid ah bulshadeeduna Aysan horumar sanayn dadka kale ee Gobalkana la jaan qaadi Karin.
Mucaaradnimo dano gaar ah lagu wato horay noodaashatay maantana waxaan diyaar u nahay hadaan nahay Bulshada Buurdhuubo inaan qaybteena ka qaadano Maamulka Jubbaland Maamul ahaana aan Hoos tagno si aan u helno Barnaamijyadii Horumarineed ee aan xaqa u lahayn .
Maamulka Dagmada Buurdhuubo ee uu Guddoomiyaha ka yahay sxbkay Cali Shariif waxaan u soo jeedin lahaa inay Bulshada Dagmada ka hor wareegaan inta aanan soo qufin wax badan oo aan ogahay xog ogaal u ahay dadka Dagmadu waxay u baahan yihiin Maamul daacad ah ka shaqeeya danahooda Horumariya Dagmada aan dhuuni raac Ahayn wixii Hay’aduhu Keenaana ka musuq maasuqin.
Waxay tani Bilow u tahay qormooyin badan oo is daba joog ah oo aan uga hadli doono maamul xumada daashatay Dagmada iyo dhoohanaanta Bulshadeeda.