Xabsiga dhexe ee Xamar ayaa waxaa ku geeriyooday mid ka mid ah Maxaabiista ku xirneyd xabsigaas kaas oo ku eedeysnaa fal la xiriira in uu ka tirsanaa Al-Shabaab isla markaana horay loo xukumay.
Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa xaqiijiyay geerida Wiilkaas Dhalinyarada ah horana loo xukumay uu ku geeriyooday Xabsiga dhexe ee Xamar.
Taliye ku xigeenka Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Cabdi Kariin Cali Afrax ayaa sheegay in arrintaan ay ku timid xili Maxaabiista ay ciyaarayeen Ciyaar Kubada Cagta ah ay wada murmeen laba Maxbuus.
Waxa uu hadalkiisa intaas raaciyay in aysan jirin warar uu sheegay in Idaacadaha qaar ay baahiyeen oo ahaa in Askari ka tirsan ciidamada ay wada dagaalameen kadibna lagu xiray Kuntineer balse warka xaqiiqadiisa uu yahay in Wiilka Dhalinyarda ah uu dilay Ninka kale ee Maxbuus
Leave a Reply