War qoraal ah oo ka soo baxay maamulka Puntland ayaa lagu sheegay in laga digaayo qabashada shirarka lagu abaabulayo xasilooni darada Puntland iyo ka qeyb galkiisaba ee ka dhaca gudaha deegaanada Puntland, kuwaas oo lagu tilmaamay in ay yihiin sharci darro, ciddii lagu qabtana sharciga la hor geyn doono.
War ka soo baxay wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha kuna socday Wasaaradda arrimaha gudaha maamulkaas ayaa lagu sheegay in la mamnuucay shirarka lagu kala qeybinayo dhallinyarada Puntland.
Laamaha amaanka ee Puntland ayaa la faray dhaqan gilinta warkaan qoraalka ah ee ka soo baxay wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha ee Puntland.
Leave a Reply