
Maxkamadda oo saaka u fariisatay go’aan ka gaarista Kursiga ayaa kursigaas u xalaaleysay Aadan Barre Ducaale iyada oo eedihii Faarax Macallin loo waayay caddeymo ku filan.
Laanta Maxkamadda sare ee Kenya u qaabilsan Milimani,ayaa go’aankan ku dhawaaqday daqiiqado ka hor,waxaana Aadan oo ku faraxsan go’aanka Maxkamadda uu yiri.
Aadan waxa uu u mahad celiyay hoggaamiyaha Kooxda qareennada ee difaaceysay C/naasir Cabdullahi iyo saaxiibada kale ee ka caawiyay in uu kursigiisa u xalaaloobay.
Doorashadii dhacday 8 August 2017-kii ayuu ku guuleystay Aadan Barre oo hadda ah hoggaamiyaha aqlabiyadda Baarlamaanka dalka Kenya,waxaana kursigan kula tartamayay Faarax Macallin oo horay u soo noqday Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Kenya.
Hoos ka Daawo Sawirrada.
Leave a Reply