Shirkaani ayaa sidoo kale waxaa goob joog ka ahaa Madaxweyne ku xigeenka Mudane Cali Guudlaawe Xuseen, waxaana Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Hirshabelle ay Golaha Wasiirada u soo gudbisay Miisaaniyada ay ku shaqeyn doonto sanadkani, iyadoo ay ka koobantahay dakhliga gudaha ka soo xerooda iyo deeqaha laga helo Dowladda Dhexe iyo hey’adaha caalamiga ah, miisaaniyada ayaa gaareysa wadarta guud $ 8,556,34.
Miisaaniyadani ayaa inteeda badan ku bixi doonta dhinacyada ammaanka, adeegyada bulshada, mashaariic horumarineed iyo bixinta musharaadka shaqaalaha rayidka ah iyo ciidanka Dowladda Hirshabelle.
“Miisaaniyadda Dowladda Hirshabelle waxay ka kooban tahay dakhli iyo kharash si cad u daahfuran oo isla-xisaabtan ku salaysnaan doona, waxaana Wasaaradda Maaliyadda ay Sameysay bilow saldhig u ah horumar dhinaca maaraynta dhaqaalaha, Hirshabelle waxay ambaqaadeysaa inay sii horumariso hay’adaheeda kale duwan, gaar ahaan kuwa maaliyada oo muhiimad weyn inoo leh. Sidaasi waxaa yiri Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare
Leave a Reply