Mushaqraxa Puntalnd ee 2019 oo Columbus lagu soo dhaweeyay”sawiro”

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobolka Ohio ayaa soo dhaweyn u sameeyay Abdirizak Jama Janagale oo ah musharaxa u taagan qabashada xilka madaxnimada Puntland ee 2019 ka.

Janagale waxa uu ka mid ahaa qurbajoogta reer Ohio waxase xilyadii u danbeeysay uu ku sugnaa Soomaaliya oo uu ka soo shaqeeyay, waxa uuna manta ka warbixiyay xaaladda dalku marayo, isaga oo xusay in dalku soo kabanayo, walina ay jiraan caqabado aad u badan waxa uu wax ka tilmaamay hanaanka Waxbarashada, Siyaasada, Dhaqaalaha, Caafimaadka, iyo Xaduudaha.

Jaaliyada ayaa janagale ku tilmaamay nin waxbadan ka soo shaqeeyay arimaha bulshada isla markana wax badan ka qaban kara dalka gaar ahaan Puntland.

Waxa uu dhaliilay wax qabadka xukuumadihii soo maray Puntland iyo in halkii laga filayay aysan wax gaarsiin.

Dhalinyarada ayuu xusay in boqolkii ay sodon kaliya wax bartaan taasina ay dhaawici karto mustaqbalka iyo jiritaanka dalka, hadi aan la helin jiilal aqoon u saaxiib ah isla markana laga dhex heli aro kuwo bartay waxyabaha dalku qaniga ku yahay si loo helo bulsho ku fakarta in ay ka gudubto baahida ay u qabto in wax walba dibadda uga yimaadaan.

Lacagta shilinka Soomaaliga ee dalka ka dhamaatay iyo isticmaalka Dolarka ayuu u arkaa in ay yihiin caqabado waaweyn oo dalkan lugaha ku dhagan waxa una muujiyay hadii loo doorto Puntland in uu dowlada kala shaqeyn doono sidii arintaas wax looga qaban lahaa maamulkiisana uu ka hirgalin doono.

Xariirka caalamigaa iyo wadamada jaarkaa ayuu soo hadal qaaday waxa uuse caraka ku dhuftay awooda wiiqantay ee qaranka Soomaaliya iyo sida ciidamadii qaranku meesha uga baxeen.

Shacabka iyo dhulka Puntland ayuu ku tilmaamay kuwo nasiib baddan Haliso baddana ku xeeranyihiin isla markaana isbadal u bahan.

Gabi ahaan dadki yaqaanay Janagale ee ka hadlay xafladdan ayaa ku tilmaamay in uu yahay shaqsi wax badali kara isla markana leh qibrad ku filan.

Janagale waxa uu wax ku bartay kuna dhashay Muqdisho, waxa uuna ka soo saqeeyay meelo kala duwan isaga oo in mudaa ku noolaa dalkan Mareykanka lakin hada waxa uu mudo ku sugnaa Puntalnd.

Deeqo Shire (SONNA)
usa

usa

usa

usa

usa

usa

usa

usa

usa

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.