Ururka Warbaahinta Soomaaliyeed (SOMA) ayaa si weyn uga walaacsan qalabkii Idaacadda Radio Balcad oo ay qaateen dagaalyahanada Al-Shabaab ka dib markii maalmo ka hor ay qabsadeen degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Degmada Balcad waxa ay 30-Km u jirtaa caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.
Idaacadda Radio Balcad waa xubin firfircoon oo ka tirsan Ururka Warbaahinta Soomaaliyeed (SOMA) oo la aasaasay shan sano ka hor, kaas oo ka kooban 38 goobood oo warbaahin oo ka shaqeeya Soomaaliya.
Agaasimaha Radio Balcad Cabdixakim Xuseen Islow ayaa sheegay in markii Al-Shabaab ay si qarsoodi ah ula wareegeen degmada Balcad Jimcihii 2-dii Bishaan, 2018 ay qaateen dhammaan qalabkii ay ku shaqeynaysay Idaacadda Radio Balcad.
Waxaa uu sheegay Shabaab qalabka ay qaateen in ay ka mid yihiin.
Transmitter Ama Wareejiyaha 500 watts
Mashiinka ama Mixer – hal qayb
lix kombuyuutar oo laptop ah
Kumbuyuutar Desk Top ah.
MP-3 Recorder Voice – 3 qaybood
Xiriirka fiilooyinka korontada – 10 qaybood
Dhalooyinka TV-yadda.
Suxuuno – 2 xabbo oo loogu talagalay gudbinta adeegga VOA iyo BBC Somali
Microfones – 7 qaybood
Ururka Warbaahinta Soomaaliyeed (SOMA) ayaa si adag ugu boorriyay ciidamada Al-shabaab in ay ixtiraamaan shaqada warbaahinta madaxa banaan iyo xorriyadda hadalka
Leave a Reply