Sida ay shaaciyeen Saraakiisha Amaanka Puntland , Ciidanka Amniga ee Maamulka Puntland ayaa muddooyinkan dambe hawlgallo ballaaran oo dhanka Amaanka ah waxaa ay ka wadeen waddooyinka isku xira deegaanada Balikhadar,Majiyahan,Maraje,Muguc iyo Ceel Onkod ee dhamaan u dhaw Buuraha Cal Madow ee G/Bariayaa.
waxaa ay saraakiisha sheegeen in ay ku guulaysteen in waddada u dhexaysa Balikhadar iyo Galgala ay ka saareen miinooyin gaaraya ilaa afar oo ay sheegeen in AL-Shabaab ku doonayeen in ay ku qarxiyaan Ciidanka Puntland.
waxaa ay intaa ku dareen in Ciidanka Amaanka Puntland ay sii wadi doonaan hawlgallada lagu xaqiijinayo amniga G/Bari.
deegaanada Gobolka Bari iyo Magaalada Boosaaso ee gobolkaasi ayaa waxaa inta badan ka dhaca qaraxyo ay geystaan Daacish iyo Al-shabaab iyo sidoo kale dagaal toos ah.
Leave a Reply