Weeradda al-shabab ay ku qadayaan ciidamadda Midowfa Africa iyo kuwa Dowladda faderalka ah ee Soomaliya ayaa ka sii dari kara Iyadoo Ciidamadu ay isku dayayaan in ay dib u furaan Wadooyin Muhiim ah oo hadda al-shabaab u go’an, Afayeenka Howlagalka ayaa sidas ka digay.
Gaashaanle dhexe Wilsom Rono ayaa Sheegay in AMISOM iyo Ciidamadda Qalabka sida e Soomaliya ay isku dayayaan in ay furan Wadamadda Caasimadda Muqdisho ku xirta Magaaladda baudhabo Dherarkeedu dhan yahay 240 KM.
Afayeenka AMISOM ayaa sidoo kale sheegay in Al-shabaab oo Magaaladda Muqdisho laga saaray 2011 kii ay Xilliganna luminayaa Deegano badan.
Rono ayaa sheegay in Jimcihii lasoo dhaafayoo al-shabaab ay Weerar ku qaadeen Ciidamo AMISOM ah oo ku sugnaa Magaaladda Balcad iyo Duleedkeeda ay sidoo kale Ciidamaddu ka hortageen Weerar kale ka dhacay Deegaanka Fax-faxdhuun ee gobolka Gado.
“Cashar ayan ka baranay Dhacdada, laakiin Dagalka Nuucan ah ee Al-shabaab ay Adeegsanayan waa uu dhicidoonaa” aya yiri Wilsom Rono.
“Waqtiga Ciidamadu ay Doonayan in ay furaan Wadooyinka Xiran iyo Marka ay u safrayan Deegaano kala Fog waxay halis u yihiin Weerarro dhabo gal ah oo Al-shabaab uga yimada” ayuu Sidoo kale ka digay afayeenka AMISOM
Leave a Reply