Guddiga Ganacsatadda ayaa sheegay in Wasaaradda arrimaha dibadda dalkooda ay ka heleen oggolaansho ah in ay arrimaha suuqa qaadka kala hadli karaan Somaliland.
Afhayeenka Ganacsatada iyo Beeraleyda Qaadka Kenya Kimathi Munjuri ayaa sheegay in dhawaan ay bilaabi doonaan heshiisyo iyo sidoo kale in ay xiriir ganacsi la sameeyaan maamulka Somaliland.
Ururka Ganacsatada Kenya ayaa doonaya in ay suuq cusub ka helaan Maamulka Somaliland iyada oo qiimaha canshuurta laga qaadanaya doonaya in hoos loo dhigo.
Maamulka Gobolka Meru ee uu Qaadka ka baxo mas’uuliyiintiisa u fasaxday in ay xiriir dhinaca ganacsiga ah iyo suuq u raadinta qaadka ah la yeelan karaan Somaliland.
Dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale Kenya ayaa 2016-kii isku khilaafay arrimaha Qaadka ee Kenya ay keyso Somaliland ka dib markii Guddoomiyihii hore ee Gobolka Meru uu booqasho ku tagay Somaliland dowladda Soomaaliya oo aan ogeyn
Leave a Reply