
Marwada 1aad ee Dalka Saynab Cabdi Macallim ayaa hambalyo ku aadan Maalinta Haweenka Adduunka ee 8-da Maarso u dirtay Haweenka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.
Marwo Saynab Cabdi Macallim ayaa ugu hambalyeysay Haweenka Soomaaliyeed xuska Maalinta 8-da Maaarso, waxayna dhambaalkeeda ku tiri: “Gabdhaha Soomaaliyeed waxaan idin leeyahay Hambalyo Hambalyo meel kasta oo aad joogtaan, waxaan idin leeyahay sanadkan sanadkiisa xiga ku gaara barwaaqo iyo bash-bash”.
Marwo Saynab Macallim waxay kaloo ka hadashay waxqabadka Haweenka Soomaaliyeed, iydoo ku tilmaantay inay yihiin lafdhabarta nolosha, islmarkaana waxay ugu baaqday inay u midoobaan danta guud ee Dalka, gacmahana is qabsadaan.
Leave a Reply