Daawo:Madaxweyne Farmaajo oo digniin u diray Imaaradka iyo Dalalka Shisheeyaha

farjo

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya oo Maanta furay kalfadhigii Saddexaad ee labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaaliya ayaa waxa uu digniin u diray Shirkadaha doonaya in ay maalgashi ka sameeyeen Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in Shirkadaha shisheeye ee doonaya in ay maalgashadaan dalka in dowladda Soomaaliya aysan marnaba ka aqbaleyn in ay ku soo xadgudbaan Madax banaanida iyo qaranimada Soomaaliya.
Waxa uu uga digay in iyaga oo aan soo Marin sharciga dalka in ay heshiisyo gaar ah galaan, taasina ay xadgudub ku tahay madaxbanaanida dalka laakin ay muhiim tahay in shirkaduhu ay sharciga u hogaansamaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.