Kulanka oo socday Saacado badan ayaa ugu dambeyntii Xildhibaanada Aqalka Sare ay soo jeediyeen in lo o saaro guddi, maadaama Cabdi qeybdiid uu sheegay in uusan ku qanacsaneyn Guddigii uu Madaxweyne Farmaajo uu u xilsaaray Kiiskiisa.
Waxaa soo xaadiray kulanka 28 Xildhibaan, 23 ka mid ah waxaa ay u codeeyeen in guddi loo saaro arrinta Cabdiqeybdiid, 4 Senatorka waxa ay u codeeyeen in Ra’isul wasaaraha loo yeero halka hal Xildhibaan uu ka aamusay.
Xildhibaanada ayaa hadda ka doodaya Shirkadda DP World oo shalay ay mamnuuceen Xildhibaanada Golaha Shacabka.
Leave a Reply