Faallo: “xaqiiq ninkii hayaa xogta laga waraystaa” W/Q: Cabaas Cumar Maxamed

Cabaas

Jaalle siyaad hospitaal waa rug caafimaad oo laga hirgaliyay demada Garbaharreey ee gobolka Gedo, ololaha dayactirka, qalabeynta & furitaanka waxaa gacan weyn ka geystay qurba joog u dhalatay gobolka isuna xilqaamay in ay ka qeyb qaataan hormarka & samata bixinta dadkooda, ilaaheey ayaa abaalkooda gudi karo, annaga hadii aynu nahay bulshada u dhalatay gobolka Gedo waan idinkaga mahdinaynaa sida aad noo gacan qabateen.

Sida aan la soconno maalmahaan waxaa baraha bulshada ku soo badanayay dad badan oo wax ka soo qorayo isbitaalka, waxa ayna isugu jiraan qaar abbaaray dhinaca wanaaga iyagoo ka duulayo In isbitaalkii maskax iyo maal ay ku bixiyeen dadka deegaanka ee is xilqaamay ay ka difaacaan wax kasta oo burbur ku keeni kara hawlahaan caafimaad ee ka hirgilay deegaankeena, halka dhinaca kale ee ka soo horjeeda ay abbaareen in ay bulshada u soo bandhigaan dhibaatooyinka ay bulshadu ka cabanayso oo aysan helin cid wax ka qabata oo xitaa ugu yaraan heli weysay cid ka qancisa cabashooyinka iyo dhibaatooyinka ay sheeganayaan dadka deegaanka, groupkaan dambe ee dhaliilaha soo bandhigay waxa uu ujeedkoodu yahay in ay tabashooyinka dadkooda ay gaarsiiyaan cid kasta oo wax ka qaban karta.

MAXAA AY KA SIMAN YIHIIN LABADA DHINAC EE AAN KOR KU SOO XUSAY.

Sida u cad bulshada ku dhaqan gobalka Gedo gaar ahaan degmada Garbahaareey waxa baryahaan ku soo badanayay qoraallo looga hadlayo isbitaalka jaalle siyaad oo ay qoreen aqoonyahanno ka soo jeedo deegaanada gobalka kuwaas oo siyaabo kala duwan u cabiray qoraaladooda.

Marki aan si degaani ay ku dheehan tahay u aqriyay qoraaladaas waxaa ii cadaatay in dhammaan qoraayaashu ay ka mideysanyihiin qodobadaan hoos ku xusun:

1. In dhammaan qoraayaashu ay aad u danaynayaan in caqligooda iyo aqoontooda ay wax ugu qabtaan dadkooda iyo deegaankooda.

2. In dhammaan ay xushmad iyo tixgelin u hayaan jaaliyadaha ka soo jeedo gobolka gedo ee isu xilqaamay in ay dadkooda danyarta ah gacan qabtaan.

3. In dhammaantood ay ka midaysan yihiin fikirka ah sida ay muhiim u tahay dardar gelinta hawlaha isbitaalka.

4. In ay jirto qaladaad sixitaan u baahan oo quseeyo sida ay u socdaan hawlaha isbitaalka.

5. In dhammaantood ay ka siman yihiin fikirka ah muhiimada ay leedahay ka dhabaynta ujeedkii loo dhisay isbitaalka oo ahaa in uu noqdo isbitaal la mahdiyo ee uusan noqon isbitaal jifo gaar ah is lahaysiiso.

ISBITAALKU MA HELAA DHAQAALE.

Waxa aan mar 2aad u mahad celinayaa jaaliyada u dhalatay gobolka Gedo gaar ahaan degmada Garbaharrey oo aanan joojin dhaqaalihi ay ku bixinayeen isbitaalka jaalle siyaad, waxa aan halkaan ka cadeynayaa in dhamaan shaqaalaha isbitaalka mishaaraadkooda ay bixiyaan gabdho u damqaday dadkooda dhibaateysan, waxa kale ee ay dhaqaale ku bixiyaan si aysan daawo u waayin dadka imaanaya isbitaalka ee bukaanka ah, iyaga oo ka dhabaynaya ujeedkii loo dhisay isbitaalkan ee ahaa in hooyo soomaaliyeed ee ka soo jeedda deegaanka isbitaalka laga hirgeliyay aysan dhiig joojin u waayin ama aysan umul raacin, adeegi ay u baahnaydna ugu hesho degmadeeda.

MAXAA KA JIRO CABASHOOYINKA KA SOO YEERAY BULSHADA KU DHAQAN GARBAHARREY.

Sida aan xog ogaalka u ahay waxaa jirto cabaashooyin aad u u badan oo ka soo yeerayo dadka deegaanka ee ku dhaqan gobolka Gedo gaar ahaan degmada Garbaharrey, ayadoo dhaliisha ay qabaan u jeedinayo maamulka isbilaaka.

Cabashooyinka I soo gaaray ma ahan oo kaliya dhanka lacagta ee ay aqoonyahanadu soo hadal qaadeen, ee waxaa kaloo jiro cabashooyin la xiriiro habka loola dhaqmo bukaanka, iyo waliba dadka ku dhanqan deegaanka oo qaarkood ka cabanaya in la dareensiiyo in aanan loo sinayn adeega caafimaad ee walaalohood qurba joogta ah maskax iyo maalba u hureen.

Kadib marki aan maqlay guuxa bulshada iyo dhaliilohooda waxa aan xiriiro kala duwan la sameeyay dad lagu kalsoonaan karo oo kamid ah dadka deegaanka, waxa ayna ii kala xaqiijiyeen in cabashooyinkaas ay yihiin dhamaantood kuwo run ah.

Kadib marki ay ii cadaatay xaqiiqda jirta ayaa waxa aan xiriir la sameeyay maamulka isbitaalka jaalle siyaad, waan xog waraystay waxa aana ku dadaalay in cabashooyinkaas wax laga qabto ilaa ay danta igu qasabtay in aan xiriir la sameeyo qaar ka mid ah qurba joogtii dadaalka ku bixisay hirgelinta isbitaalka si qaladaadka taagan wax looga qabto, iyaguna waxa ay ii cadeeyeen in ay maqanyihiin oo aysan waxbo awood u lahayn ee dulqaadka la badiyo, waxaa xusid mudan in qurba joogta aan xiriirka la sameeyay ay kala joogaan USA, UK & AUSTRALIA.

SIDEE LAGU SIXI KARAA QALADAADKII DHACAY EE AY BULSHADU CABASHADA KA MUUJISAY.

Fikir ahaanteyda waxa 1-aad ee aan farta ku fiiqayo ayaa ah in maadaama isbitaalka bulshada loo dhisay la sameeyo guddi isugu jiro odayaal, culimo iyo maamul heer degmo iyo heer gobol ee saameyn toos ah ku yeesha sixidda qaladaadka iyo ka qancinta bulshada cabashooyinka ay wataan.

Waxa ay ila tahay marki la doonayo in xal loo keeno arrin ka dhaxayso bulsho ma ahan in lagu saleeyo hal qof ah aragtidiis ee waa in ay ka qeyb qataan waxgaradka, aqoonyahanada iyo culimada sidaas awgeed waxa aan dadaal ku bixin doonaa in aan soo uruuriyo fikradaha wanaagsan ee lagu sii hormarin karo isbitaalka jaale siyaad.

W/Q Cabaas Cumar Maxamed.

Email: abbasccm10@gmail.com

Wabillaahi towfiiq

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.