Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta ka qayb galay aas qaran oo loogu sameeyey magaalada Garoowe ee caasimada Puntland garyaqaanka guud ee Puntland Maxamed Muuse Ismaaciil Muuse, madaxweynaha Puntland waxaa ku wehelinayey Madaxweyne ku xigeenka Puntland Eng. Cabdixakiin Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey, Guddoomiyeha Baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi, Masuuliyiin ka tirsan goloyaasha Dowladda, saraakiisha ciidamada DPL, saraakiil ka tisan Madaxtooyada Puntland iyo qaybaha kaladuwan ee bulshada magaalada Garoowe.
Leave a Reply