Sida ay noo xaqiijiyeen qaar kamida Xildhibanada Golaha shacabka ayaa waxaa dib loogu soo celiyey Ciidamadii hore ee u xil saarnaa sugida amniga xarunta Golaha Shacabka ee Barlamaanka Soomaaliya ayaa dib u la wareegay shaqadii ay ka hayeen xarunta Golaha Shacabka.
Amarka Ciidamadii hore ee xarunta Golaha Shacabka inay dib u la wareegaan xarunta Golaha ayaa waxaa bixiyay Madaxweynaha Dowlada Fedraalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo si xal loogu helo khilaafka ka dhashay Mooshinkii ka dhanka ahaa Gudoomiye Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.
Leave a Reply