Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa siwadajir ah ula kulamay masuuliyiin ka kala socday Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika oo ay kala hogaaminayeen Jean-Marie Guehenno iyo Ramtana Lamamra oo loo xilsaaray ka shaqeynta arimaha dhaqaalo u raadinta Howlgalka Amisom ee somaliya.
Madaxweyne Soomaliya ayaa ka codsaday in habka Dhaqaalo u raadinta Ciidanka Amisom ee ay wada jirka uga shaqeenayaan Midowaga afrika iyo Qaramada Midoobay lagu daro in si la mid ah ay ciidanka Soomaaliya loogu helo dhaqaalo u suuragaliya inay ku filnaada masuuliyada Amniga dalkooda.
Leave a Reply