Jawaari oo ksoo horjeestay xilka qaadista Xoghayaha Guud ee Golaha shacabka

jawaari

Guddoomiyaha golaha shacabka Soomaaliyeed Maxamed Cismaan Jawaari ayaa qoraal uu soo saaray ayuu waxa uu ku sheegay inaysan waxba ka jirin xilka qaadis uu ku sameeyay xoghayaha guud ee golaha shacabka guddoomiye ku xigeenka kowaad.

Qoraalkan ayuu ku sheegay Jawaari in magacaabista iyo xilka ka qaadista xoghayaha guud ay tahay mid uu awoodeeda leeyahay Guddoomiyaha golaha shacabka sidaas awgeedna aysan waxba ka jirin xilka qaadista uu sheegay in guddoomiye ku xigeenka kowaad ee golaha shacabka Muudey uu ugaga qaaday xilka xoghayah guud ee golaha shacabka Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux.

Tani waxay sii hurinaysaa Murankii ka dhexeeyey Gudoomiye jawaari Iyo garabka xildhibanada kasoo hor jeeda ee uu Hogaaminaayo Muuday.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.